1 min read

Ruushka oo dalalka qaar uga digay in ay ku biiraan NATO.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Ruushka, ayaa sheegay in haddii dalalka Sweden iyo Finland ay ku biiraan NATO, ay Moscow xoojin doonto ciidamadeeda dhulka, badda iyo cirka.

Laakin Lithuania ayaa sheegtay in hanjabaadda Ruushka aysan ahayn wax cusub, Moscowna ay hub Nukliyeer ah geysay magaalada Kaliningrad ka hor dagaalkii Ukraine.

Kaliningrad ayaa ah meel u dhaxaysa Poland iyo Lithuania. Arbacadii, Finland ayaa sheegtay inay toddobaadyo gudahood go’aan ka gaari doonto inay ku biireyso NATO.