1 min read

Madaxweyne Muusa Biixi oo maanta u ambabixi doono dalka Mareykanka.

Wafdi uu hor kacayo madaxweynaha jamhuuriyadda gooni isu taageeda ku dhawaaqday ee Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa gelinka danbe ee maanta lagu wadaa in ay u ambabaxaan dalka Mareykanka.

Ujeedka safarka madaxweyne Biixi oo aan wax badan laga ogeyn ayaa lagu wadaa in uu kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta dalkaasi Mareykanka.

Dhanka kale Sanadihii Dambe waxaa soo badanaayay in Somaliland ay baadi goob ugu jirtay sidii ay ictiraaf uga heli lahayd aduunwaynaha, waxayna ictiraaf ka raadisay dalal dhowr ah oo ay ugu horayso dalka Taiwan.