1 min read

Ciidamada deegaanka Soomaalida oo xirxiray Siyaasiyiin ka soo horjeeday Madaxweyne Cagjar.

Xukumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay siyaasiyiintii damacsaneyd iney deegaanka kacdoomo ka sameeyaan ay dowladdu tallaabba ka qaadday.

Hoggaanka Nabadgalyada Deegaanka Soomaalida Mubashir Dibad Raage oo warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay hadafka ay siyaasiyiinta uu qaswadayaasha ku sheegay ay leeyihiinna uu ahaa iney dowladda deegaanka ka jirto meesha laga saaro dadki shacabka hagardaamooyinka tirada badnaa u geystayna ay xukunka ku soo laabtaan.

Waxayna Siyaasiyiintaasi isugu jiraan ayuu yiri kuwa xil laga qaaday iyo qolyo waddanka dibaddiisa ku sugan oo ay ka mid yihiin xubno xukumaddi hore ka tirsanaa.

Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa horay u beenisay warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya oo sheegayay in isku day afgmi lagu sameeyay xukuumadda dowladd deegaanka kaas oo ay mas’uliyiinta dowladda deegaanka ku eedeysay ururro argagaxiso.