1 min read

Hey’adda IMF oo ku hanjabtay in ay joojinayso taageerada dhaqaale Ee Somaliya.

Madaxa hay’adda lacagta adduunka ee IMF ee dalka Soomaaliya Laura Jaramillo ayaa ka digtay inay joojin doonaan lacagaha ay ku taageeraan mushaaraadka ciidamada iyo adeegyada kale ee muhiimka ah ee Soomaaliya bisha May haddii dib u dhac kale uu ku yimaado doorashada dalka Somaliya.

IMF ayaa tan iyo sanadkii 2017dii ka caawinaysay dowlada Soomaaliya bixinta mushaaraadka ciidamada iyo shaqaalaha dowlada iyadoo miisaaniyada saddexda sano ah ee hadda socda, oo ku kacaya ku dhawaad ​​400 oo milyan oo dollar.

Laura Jaramillo, oo ah madaxa IMF ee Soomaaliya, ayaa u sheegtay Reuters in barnaamijku si toos ah uu u dhamaanayo haddii aysan jirin dowlad cusub oo lagu soo gabagabeynayo dib u eegisteeda 17ka May.

“Waxay saameyn ku yeelan doontaa shaqada dowladda waxayna yeelan kartaa saameyn ballaaran,” ayay tiri, iyada oo tixraacaysa khatarta ah in doorashooyinka dib u dhacu ku yimid ay ku dhamaan waayaan wakhtiga lagu cusbooneysiinayo heshiiska.

Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle,ayaa ku gacan seyray walaacaas.

“Waxaan ku kalsoonahay in doorashada lagu soo gabagabeyn doono waqtigeeda si aysan saameyn ugu yeelan barnaamijka dib u habeynta,ma jiraan caqabado waaweyn oo ku aaddan buuxinta shuruudaha IMF ilaa hadda, waxna ma filaynno.”Ayuu yiri Beyle.