1 min read

Maxkamad XuKun ku riday dad loo heysto dilka Shaqaale ka tirsan QM.

Maxkamad ku taalla dalka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa dil ku xakuntay, 51 qof oo lala xiriirinayo dilka khubaro u shaqeynayay Qaramada Midoobay oo la dilay sannadki 2017-kii.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Socdaalka ayaa ka mid ah dadka lagu xakumay dilka, halka nin korneel ah oo ka mid ah millatariga lagu xakumay 10 sano oo xarig ah.

Qaar badan oo ka mid ah dadka dilka lagu xakumay ayuu xakunka ku dhacay iyaga oo maqan, Dhammaantood ayaa waxaa loo heystaa dilka Zaida Catalan oo u dhalatay Sweden iyo Michael Sharp oo Mareykan ahaa, kuwaas oo la khaarijiyay xilli ay ku guda jireen baaritaan la xiriiray dagaallo u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo malleeshiyo hubeysan oo ka dagaallanta gobolka dhexe ee Kasai.