1 min read

Xulka Burkina Faso oo soo gaaray afar dhammaadka Koobka qarammada Afrika

Xulka Burkina Faso oo u gudbay afar dhammaadka Koobka qarammada qaaradda Afrika kaddib markii ay kaga soo gudbeen Tunisia 1-0, ciyaar qeyb ka ahayd kulammada wareega siddeeda.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 uu ku hoggaaminayay xulka qaranka Burkina Faso.

Daqiiqadii 45 + 3-aad xulka qaranka Burkina Faso ayaa hoggaanka u qabtay ciyaarta waxaana 1-0 ka dhigay laacibkooda Dango Ouattara, kaddib markii uu caawin ka helay saaxiibkiis Blati Touré.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Balse ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 1-0 uu kaga adkaaday xulka Burkina Faso, dhigiisa Tunisia, xulka Burkina ayaa wuxuu sidaas ugu gudbay wareega afarta ee Koobka qarammada qaaradda Afrika.