1 min read

Madaxweynaha Uganda oo war ka soo saaray hadalkii wiilkiisa ee ku saabsanaa qabsashada Kenya iyo sababta uu u dalacsiiyay.

Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni ayaa raalligelin ka bixiyay qoraallada uu wiilkiisa soo dhigay Twitter-ka ee ku saabsan waddanka deriska la ah ee Kenya.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday sababta uu u dallacsiiyay wiilkiisa oo horay u ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee Uganda.

Dhambaal uu Museveni soo boggiisa internet-ka ayuu ku yiri:

Muwaadiniinta Uganda, dadka walaaltinnimada naga dhaxeyso ee Kenya iyo dhammaan dadweynaha Bariga Afrika. Waan idin salaamay dhammaantiin.

Mar kale, waxaan bogaadinayaa doorashooyinka nabadgelyada ah ee dhawaan ka dhacay Kenya, oo u uku guuleystay H.E. WilliamRuto.

Waxaan mar kale ugu hambalyeynayaa guushaas. Waxaan ka codsanayaa walaalaha wiilasha iyo gabdhaha ah ee Kenya in ay naga cafiyaan qoraalada Twitter-ka ah ee uu soo diray Janaraal Muhoozi, taliyihii hore ee ciidamada dhulka, kuwaas oo la xiriira arrimaha doorashada ka dhacday waddankaas fiican.

Sax ma aha in saraakiisha dowladdu, ha ahaadaan shacab ama militeri, in ay ka hadlaan ama si walba u farogeliyaan arrimaha gudaha ee dalalka aan walaalaha nahay.

Sida kaliya ee sharci ahaan loogu mari karo waa dib u eegis farsamo oo ay sameeyaan Midowga Afrika ama isdhexgalka kalsoonida ku dheehan tahay ee dhexdeenna ah ama ururka EAC ahaan ama AU for a – ma aha in la jeediyo hadallo guud.

Haddaba maxay tahay sababta aan ugu dallacsiiyay darajada janaraal buuxa kaddib markii uu hadalladaas yiri?

Sababtu waa in khaladkan uu yahay mid ka yimid hal dhinac oo uu si khaldan u wajahay sarkaal dowladeed ahaan.

Hase yeeshee, waxaa jira dhinacyo kale oo badan oo uu si fiican uga shaqeeyay Janaraalka welina uga sii shaqeyn karo.

Raalli noqda walaalaheenna Kenya.

Sidoo kale ha raalli noqdaan muwaadiniinta Uganda ee ka caroday mid ka mid ah saraakiishooda.