1 min read

Madaxweynaha Soomaaliya oo Gaashaanka ku dhuftay in wax wadahadal ah lala yeesho Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaysan xilligan Soomaaliya joogin marxalad ay kula xaajooto Al-Shabaab.

Madaxweynaha oo ka hadlayey Turkiga oo uu booqasho ku joogo ayaa sheegay in ugu dambayn ay dawladdu la xaajoon doonto, islamarkaana khilaafka lagu dhammayn doono si nabad ah. Waxa uu sheegay inay dawladdu albaabada u fursayso xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee doonaya inay ka haraan gacan ka hadalka iyo fikirka xagjirka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.

Waxa uu sheegay in siyaasaddii ilaa haatan lagu soo wajahayey Al-Shabaab aysan ahayn mid ku filan, waxaana uu sheegay in siyaasadda ah in Al-Shabaab lagula hayo Soomaaliya, dhibkoodana la iska mooso ay guul darraysatay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mudnaanta koowaad ay tahay amniga. Waxaa dhinaca kale uu sheegay in dawladdu ay doonayso inay hirgeliso dib u heshiisiin bulsho iyo mid siyaasadeed oo ay ku jirto dastuur midaysan iyo dhismaha hay’ado dawli ah.