1 min read

Horjoogihii ugu sareeyay argagixisada ka dagaalanta Mozambique oo la dilay

Wasaaradda Gaashaandhigga Mozambique ayaa sheegtay in ciidamadu ay  dileen Bonomade Machude Omar (Ibn Cumar) oo ahaa horjogihii ugu sareeyay kooxaha argagixisada ee ka dagaalanta waqooyiga dalkaasi.

Ninkaan ayaa ahaa horjoogaha kooxaha argagixisada tan iyo sanadkii 2017-kii,waxaana lala dilay labo xubnood oo sidoo kale xiriir la lahaa kooxda Daacish.

Howlgalkii lagu khaarajiyay ragaasi ayaa ka dhacay keymo ku yaalla Macomia maalinimadii talaadada ee la soo dhaafay,sida uu xaqiijiyay madaxweynaha Mozambique Filipe Nyusi mar uu shir jaraa’id qabtay Jimcihii.

Labo sano ka hor, waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Cumar u aqoonsatay horjooge argagixiso, iyadoo ku eedeysay inuu mas’uul ka ahaa weerarradii ka dhacay hoteel ku yiillay Palma ee gobolka Cabo Delgado, halkaas oo ay ku dhinteen tobannaan qof.

Bil ka hor ayay ahayd markii ciidamada Mozambique ay qaadeen weerar culus oo ka dhan ah argagixisada iyagoo taageero ka helaya boqolaal askari oo ka kala socda Rwanda iyo dhowr wadan oo ku yaala koonfurta Afrika.

QM ayaa sheegtay in rabshadaha ka socda waqooyiga Mozambique ay ku qasbeen in ka badan hal milyan oo qof inay ka barakacaan guryahooda,iyadoo sidoo kale ay qasab noqotay in la hakiyo mashruuc gaas oo balaayiin dollar ku kacaya.