1 min read

Wakaaladda Murtida iyo wacyigelinta Qaranka oo qabanaysa tartan Suugaaneed qayb ka ah la dagaalanka Khawaarijta

Muqdisho :-Maamulka Wakaaladda Murtida iyo Wacyigelinta Qaranka iyo Guddiga Garsoorka Tartan Suugaaneedka Tilmaamaha Khawaarijta waxay ku wargelinayaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Suugaanta iyo Farshaxanka (Arts) in 01/09/2023 uu billaabanayo Tartanka wuxuuna socon doonaa muddo bil ah.

Hadaba suugaanyahan kasta oo doonaya inuu ka qayb galo waa u furan yahay tartanka meel kasta oo uu ka joogo.

Wixii faah-faahin ah kala xariiri Tell: +252615579153