1 min read

Al-Shabaab oo Qaraxyo Gaari ku weeraray deegaanka Cowsweyn iyo khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda Federaalka iyo maleeshiyada Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Cowsweyne oo qiyaastii 20 kiilo mitir u jira degmada Ceel-dheer ee gobolka Galguduud, sida ay saxaafadda  u xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan deegaankaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyad Al-shabaab ay fariisin ay ciidamada dowaladdu ku leeyihiin deegaankaas ay kusoo weerareen qaraxyo ah lix gaari oo ay ka buuxaan walxaha qarxa, kadibna labada dhinaca ay iskaga horyimaadeen dagaal fool-ka-fool ah.

Ilaha amniga ayaa intaas ku daray in dagaalka socda ay qeyb ka yihiin duqeymo dhinaca cirka ah. Lama oga khasaaraha ilaa hadda ka dhashay dagaalkan.

Dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama bixin dagaalkan, iyada oo dhinaca kale dowladaha Soomaaliya ka kaalmeeya dhinaca hawada aysan sidoo kale weli si rasmi ah aysan xaqiijin haddii ay ka qeybgaleen howlgalkan.

Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Galmudug ayaa ciidamada dowladda Soomaaliya ay shalay kula wareegay degmada Ceel-buur oo in muddo ah ku jirtay gacanta Al-shabaab.

Kahor Ceelbuur, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay tuulada Dac oo qiyaastii 18-kiilo mitir dhanka Koofur Bari ka xigta Ceel-buur.

Maalmihii ugu dambeeyay ciidamada ayaa qabsaday Cosweyn, Wabxo, War Xoolo, Dac iyo tuulooyin kale oo yar yar.