1 min read

Dowladda Kenya oo aad uga xun korontada oo dalka oo dhan ka go’day

Wasiirka gaadiidka Kenya ayaa raaligelin ka bixiyay kadib markii korontadii dalka oo dhan ay korontada ka go’day taasoo keentay in rakaabkii diyaaradaha ee garoonka weyn ee JKIA ay ku xayirmeen mugdiga garoonka oo kuyaalla Nairobi.

Guryo iyo meherado badan ayaa weli korontadu ka maqan tahay tan iyo fiidnimadii Jimcaha.

Shirkadda korontada ee ay dawladdu leedahay si dhab ah uma sharaxin waxa sababay koronto la’aanta.

Baraha bulshada ayaa dadku waxa ay isku weydiinayaan sababta uu madaarka weyn ee JKIA u laheyn nidaamka matooro shaqeynaya xiliga ay korontada baxdo waxayna aad u dhaliilsan yihiin wasaaradda tamarta.

Qaar ka mid ah milkiilayaasha ganacsiga ayaa ka faa’iideysanaya fursadda iyagoo ku xayeysiinayaan qalabka qorraxda tamarta ka dhaliyo.

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in si kooban loo wayo koronto ay tahay wax si caadi ah ugu badan Kenya, balse in muddo intaas le’eg uu dalka oo dhan koronto la’aan noqdo ay tahay wax aad u yar oo aan inta badan dhicin.