1 min read

Golaha Aqalka Sare ansixiyey laba Hindise Sharciyeed oo Muhiim ah.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyeen ku xigeennadiisa, ayaa maanta shir guddoomiyay kulankiisa 7-aad ee kalfadhiga Saddexaad ee Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa


1- Akhrinta Saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Maaraynta Deegaanka
2- Akhrinta Labaad ee Hindise sharciyeedka Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee JFS.
Ugu horrayn, waxaa la guda galay ansixinta sharciga Ilaalinta iyo Maaraynta Deegaanka ka dib markii gudddigii ka soo shaqeeyay ay Sanatarrada la wadaageen xogta akhrinta saddexaad iyo sida ay isu waafajiyeen aragtida Sanatarrada iyo sharciga, waxaana intaas ka dib codka kalsoonida siiyay 33 Sanatar wax diiday ma jirin wax ka aamusayna ma jirin.
Ajandahaas markuu xirmay, waxaa la guda galay Akrinta labadaad ee sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka, waxaana dood iyo falanqayn ka dib la isla qaatay in sharcigaas oo muhiim gaar ah u leh dalka, isla maanta la meel mariyo soo jeedin katimid Sanatarrada qaar.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa cod geliyay soo jeedinta Sanatarrada qabay in islamaanta sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka akhrinta labaad iyo Saddexaad la marsiiyo, sidaas ayayna ku oggolaadeen Sanatarradii kulanka soo xaadiray, waxaana intaas kadib la sameeyay ajande cusub oo lagu ansixinayo sharciga Xafiiska Hanti-dhowrka, 32 Sanatar ayaa oggol ku codeeyay wax diiday ma jirin wax ka aamusna ma jirin, sidaas ayuu sharcigaas isna maanta uga gudbay Golaha Aqalka Sare.

Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimilada Mudane Saciid Maxamed Cali, ayaa Guddiyadii la shaqeeyay iyo dhmmaan Sanatarrada Aqalka Sare uga mahad celiyay sida wanaagsan oo ay waajib gudashadooda uga qaateen sharciyada ay maanta ansixiyeen oo muhiim u leh Dalka.