1 min read

Faysal Cali Waraabe “Waa inaan kala saarnaa calanka, ciidda iyo mamaulka xun,”

Hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ee Somaliland ayaa waxay markii ugu horeysay ka hadleen dagaalkii shalay ciidamada Soomaaliland looga qabsaday fariisimihii ay ku lahaayeen Goojacade.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid Feysal Cali Waraabe oo hadal jeediyay ayaa sheegay in dhacdooyiinki ugu dambeeyay looga gudbi karo o kali ah midnnimo.

Hogaamiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Corro ayaa dhankiisa sidoo kale ku baaqay midnnimo iyo in ay shacabka Somaliland isku duubnaadaan.

“Waxaan shacabka Jamhuuriyadda somaliland ee Xariirta ah meel kasta oo ay joogaan u soo jeedinayaa inay mid ahaadaan oo isku duubnaadaan oo ay ilaashadaan wadajirka qarankooda” ayuu yiri Cabdiraxman Cirro hogaamiyaha xisbiga Wadani.

Quote Message: “Waxaan u sheegayaa shacbiga reer Somaliland maanta waxaa loo baahan yahay in ciidamadeena aan is-barbar taagno, dhacdooyiinkan maalmahan socda waxan kaga gudbeynaa midno, waa inaan kala saarnaa calanka, ciidda iyo mamaulka xun,” from Feysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga Ucid

Feysal Cali Waraabe Gudoomiyaha xisbiga Ucid