1 min read

Youtuber iyo fannaan ay heesihiisu daawadaan malaayiin qof oo tahriib ku galay Yurub.

Fannaan caan ah oo u dhashay dalka Tunisia ayaa si sharci darro ah ku galay dalka Talyaaniga xilli dhaqaale xumo ba’an ay ka jirto dalkiisa ku yaalla waqooyiga Afrika.

Junior Hassen, oo heesihiisu ay YouTube ka daawadeen 15 milyan oo qof, ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay doon ku galay jasiiradda Sicily.

Warbaahinta Mosaique FM ayaa sheegtay in fannaankan oo qoob ka cayaarka caan ku ah uu Talyaaniga tagay isagoo ay isla safrayeen koox muhaajiriin ah oo dalkiisa kasoo jeeda.

Xaaladaha dhaqaale ee Tunisia ayaa kur iixay dad badan inay qaadaan tallaabooyin halis ah iyagoo raadinaya nolo ka fiican tii dalkooda