1 min read

Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed oo Maanta ansixiyay Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

Kulan ay Maanta ku yeesheen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay Golaha Wakiiladda maamulka Koonfur Galbeed oo uu shir guddoomiyay ku simaha guddoomiyaha Golaha ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed Maxamed Nuur Maxamed Macalin ayay Golahu ku meel mariyeen hindise Sharciyeedyo muhiima ah.

Ajendaha kulanka Golaha Wakiiladda ayaa ka koobna sadax qodob oo kala ahaa Aqrinta 1-aad ee Hindise sharciyeedka Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed, Kalsooni siinta Hanti Dhowraha Guud ee Koonfur Galbeed iyo Ansixinta Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka

Wasiiru dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha Koonfur Galbeed Cabdullahi Maxamed Aadan ayaa ugu horeyn Golaha ka hor aqriyay Hashiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ) ay ku gaareen magaadada Muqdishu 27-Maarso sanadkan 2023 ee ku saabsana hannanka Doorashooyinka Dalka iyo Midaynta Doorashooyinka dowlad goboleedyada, isagoo Xildhibaanada ka codsaday iney ansixiyaan oo ay ku raacaan Golaha Wadatashiga Qaran Hashiiska ay ku gaareen Magaalada Muqdisho.

Intaas kadib Golaha Wakiiladda oo codeyn gacan taag ah u sameeyay meel marinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa codeyay dhamaan Xildhibaanadii kulanka soo xaadiray oo tiradoodu aheyd 48 Mudane, mana jirin cid diiday ama ka aamustay

Sideedii bishii June ee sanadkaan 2023 ayay aheyd markii Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed ay ansixiyeen heshiiskan ay maanta Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed meel mariyeen.

Golaha Wakiiladda Koonfur Galbeed waxay sidoo kale cod aqlabiyad leh ku meel mariyeen hanti Dhowraha cusub ee maamulkaas Maxamed Cumar Axmed oo uu dhawaan soo magacaabay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa noqonaya Baarlamaankii ugu horeeyay ee taageera Hashiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ay ku gaareen magaadada Muqdisho 27-Maarso sanadkan 2023, kaaso ku saabsana hannaanka Doorashooyinka Dalka iyo Midaynta Doorashooyinka Dowlad Goboleedyada.