1 min read

Dowladda Kenya oo shaacisay waqtiga ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Kenya Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in ciidamada gaashaandhigga wadanka ee KDF-ta ay gudaha Soomaaliya isaga soo bixi doonaan marka laga gaaro bisha 12-aad ee sanadka 2024.

Aadan Barre Ducaale oo la hadlay teleefishinka maxalliga ee Cetizen ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay ka soo baxeen howshii loo igmaday oo ay ka wadeen Gudaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa intaaasi ku daray in ciidamada dowladda Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay dalkooda difaacaan kana xorreeyaan meelaha ay weli ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Waxaa uu caddeeyay in dhammaan ciidamada hoostaga howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ay Soomaaliya ka soo baxayaan ugu dambeyn dabayaaqada sanadka 2024-ka.

Ducaale ayaa sheegay in ciidamada difaaca dalka la gayn doona xadka uu la wadaago Soomaaliya, si ay uga hortagaan weerararada Al-Shabaab mararka qaar ka gaysata qaybo ka mid ah dalka Kenya.

Ciidamada difaaca Kenya ee ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee ATMIS ayaa gudaha Soomaaliya soo bishii Tobnaad ee sanadkii 2011-kii, waxaana hadda ay ku sugan yihiin meelo kamid ah Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.