1 min read

RW Xamza oo soo saaray amar la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayuu faray Hay’adaha Dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Xamza ayaa hadalkan ka sheegay shirkii golaha wasiirada xukuumadda oo uu maanta guddoomiyey.

Shirkan ayaa waxaa warbixin ku saabsan howlgallada socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab looga dhageystay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Generaal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo sheegay in uu socdo dagaal “looga sifeynaayo Khawaarijta” deegaannada ay kaga harsan yihiin Gobollada Dhexe ee dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa bogaadiyey go’aanka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku gaarey in uu dagaalka ka hoggaamiyo jiidaha hore.

“Waxaan bogaadinayaa ciidamada Qaran ee geesiyaasha ah oo dalkeenna ka wada Jihaad ka dhan ah Khawaarijta, waxay sameynayaan taariikh cusub oo mar labaad looga xoroobayo argagixiso gumeysi ku haya dadkeenna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in dalku uu ku jiro dagaal la rabo qof walba in uu qaato doorka kaga aadden, “si la isaga dulqaado culeyska Khawaarijta ee naafeeyey” noloshii iyo horumarkii ummadda Soomaaliyeed.