1 min read

Prof. Yahya Amir: Ardayda, Danyarta & Cadaaladda Shaqo

Dugsiga Sare ayey ka bexeen , kuwa kalena Jaamacadda Heerka 1aad & 2aad ayey soo dhameeyeen, Aqoontoodu waa fiican tahay, fifircooni dhalinyaramino iyo Hamuun shaqo ayaa ka muuqato.

Waxaa la yiri: Dhowr shaqo ayaa ka banaan Xafiisyada Dowladda, kuwa Maamul Gobaleedyada iyo Shirkadaha.
Waxay u diyaargaroobeen Tartankii Imtixaanka. Laakin, Tartane No. 3 ahna Qof la wato oo fargan soo faniiniyay laga soo daba tuuray, isaga oo ku socdo Xooli dheer, isagii ayaana si sharci daro ah ugu guuleystay Shaqadii. ( F.S: 1aad)

Horeey u dhacday, wakhtigii Kacaanka ayaa Maareeyihii Warshaddii Taraqa iyo Sigaarku Lacag xaday, kadibna waa la dalacsiiyay.

Nin ka mid ahaa shaqaalihii Warshadda oo Xamaali ahaa ayaa hore u qaatay Hal Xabo oo Kibriid ” Taraq” ah, si uu Feynuusta ugu shito. Kadibna Xamaaligii waa la xiray waxaana lagu xakumay dhowr Sano.

Waxaa soo baxay Shiribkii caanka ahaa ee ( Nin Xoog yar Xaasna dhowrayaad Xabad Kibriid ah u xirtiin, Nimanna weeyska xaabsadaan wexeey Xadaanna woow Xalaal)

Miskiinkaa Xamaaliga ahaa ee ku Cijayo beelay Shaqada, waxaa sugayay Xaaskiisii oo Nadaafadda jeceleyd. laakin, aan heeysan wax ay ku nadiifiso Guriga iyo Caruurtiisii oo aan heeysan Go’ ay Habeenkii dhaxanta ka hugtaan. ( F.S:2-4aad)

Dardaaran.

Ardayda yaan la niyad jabin ee imtixaan Cadaalad ah ha laga qaado, hana laga dhaafo Qofka la wato ee ka daba tuurka ah ee Qurba ka yimid ama Qaraabo Qandiga ah. Horaa loo yiri: ( Nin la rabaahu, Reeyn badabaa, Anba Reedda waa ka rogee).

Xamaaligu hadduu Kibriid Xaday waa Tuug Dambiile ah, laakin Maareeyihii wax xaday Xabsiga laguma arag.

Cadaaladda ha la dhowro, sharcigana ha loo sinaado, Ardayda wax bararay ee Darbida fadhidu ama weli ku tiirsan waalidkii wax soo baray, Shaqa Abuur iyo Cadaalad ayey sugayaan.

Qore:Yahya Amir