1 min read

Ingiriiska oo heshiis la galay Turkiga si wax looga qabto tahriibka.

Boqortooyada Midowday (UK) ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Turkiga si kor loogu qaado iskaashiga la xiriira wax ka qabashada socdaalka aan sharciga ahayn ee ay sameeyaan dadka tahriibayaasha ah.

London ayaa ku dhawaaqday qorshahaan ,taasoo qayb ka ah isku day lagu dhimayo socdaalka aan sharciga ahayn,waxaana heshiiska ku jira dhismaha xarun cusub oo laga hirgalinaayo Turkiga,si labada dal ay u carqaladeeyaan shabakadaha dambiilayaasha ee abaabula safarrada sharci darrada ah.

Labada dal waxay ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay inay iska kaashadaan wax ka qabashada dhibaatada iyo xoojinta iskaashiga ay la leeyihiin dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan dadka tahriibka ah iyo dalalka kale ee ay sii maraan.

Dowladda UK ayaa si gaar ah cadaadis loogu saarayaa in dadka aan sharciga haysanin ay ka gudbaan kanaalka Ingiriiska.