1 min read

Wasiirka Cadaaladda oo gaaray magaalada Dhuusamareb.

Dhuusamareeb :-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalim qeybna uu ka yahay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta Gaaray Magaalo madaxda Dowladd Goboledka Galmudug ee Dhuusamareb.

Wasiirada Gargaarka,Cadaalada ee Dowladd goboleedka Galmudug,Odayaal dhaqan iyo Masuuliyiin kale ayaa Wasiirka Cadaalada iyo  Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA ku soodhaweeyey Garoonka diyaradaha Ugaas Nuur .

Ueedka socdalka Masuuliyiintaan si gaar ah Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta ayaa daaran u kuur galida xaalada bini’aadanimo ee halkaas ka jirta,ka qeybgalka shir deg-deg ah oo looga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimada,iyo ka hortaga Aafooyinka,iyo u diyaar garowga sidii gargaar deg-deg  loo gaarsiin la haa deeganada dhawaan khawaarijta laga saari doono.