3 mins read

Maxkamadda G/Banaadir oo 10-sanno xabsi ah ku xukuntay nin sixir iyo turufo kale ku qaraabanayay

Muqdisho :- Wax badan waxaa aad maqasheen dad loo maxkamdeynayo masuq-maasuq, dacwado dhul la xiriira ama dambiyada kale ee aadamaha sida caadiga ah uga dhaca, laakiin tani waa ay ka duwan tahay, waa dacwad anshax ah mana baahin doono muuqaalada qaar, sidoo kale, qaarkood waxaan qarin doonaa wajiyadooda, mana sheegi dooni magacyada saxda ah dadka dhibanaha ka ah dacwaddani.

Shooble waa 52-jir, waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada Boolisk Soomaaliyeed, isagoo gacanta kula jira ficil fool xun iyo gogol dhaaf.

Bilowgii sanadkan, baaris uu sameeyay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa lagu ogaaday in ay jiraan haween Soomaaliyeed oo dhibane u ah ninkani, kuwaas oo uu kula kacay falal la xiriira kufsi, turufo iyo duubis muuqaalo anshax xumo ah, isagoo adeegsanaya teleefoonada casriga ah, waxaana dhibanayaasha uu ku sameeyay sixir, sida baarista xeer ilaalintu lagu sheegay.

” Waxay sheegtay falka ku dhacay, waxa lagu sameeyay iyo sida ay u dhaceen intaba maxkamaddu waa ay u xaqiijisay, mudane guddoomiye waxaa macquul ahayn oo caqli gal ahayn xaas la qabo carruur leh, guri sowj ka soo tooseysa in ay u bareerto mac sameyso haddana muuqaal in laga duubo ay ogolaato, markii la wareysanayay waxay sheegtay in markii ugu horeysay lagu shubay biyo, ka dib biyahaas marka lagu shubayna ogaalkeeda uu meeshaas ku tegay,”. ayay tiri xiis oo ka socotay xafiiska xeer ilaalinta.

In badan waxaa laga yaabaa in aad isweydiineysaan halka uu ka keenay ama uu ka tixraaco dadka uu dhibaatooyinka u geysanayo ninkani, qaarkood wuxuu teleefoonadooda ka helay baraha Bulshada ama Facebooka, muuqaalada la sheego in lagu caawinayo dadka masaakiinta ah.

Sidoo kale, wuxuu dhibanayaashu ka raacay gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan,islamarkaana gabdhaha qaarkood uu la raacay gaadiidkaas, ka dibna halkaas uu kala degay markii uu ku sameeyay waxa loogu yeero “Sixirka”.

” Mudane xeer ilaaliye aniga iyo ayada baabuurka mana iskula hadlin mana isku gacan qaadin, sida doraad ay sheegeysay ma jirto, marka aan baabuurka ka degtay ee aan dhulka degnay ayuu hadalka bilowday, sida Ilaahey ila ogyahay,” ayuu yiri eedeysanuhu.

Qareenka difaaca eedeysanaha ayaa dhankiisa wuxuu qabaa dood ka duwan midda ay xeer ilaalintu soo bandhigeen

” Mudane guddoomiye, garsooreyaal ma jirto wax tusinaya eedeysanuhu inuu geystay sheegasho lagu sheegayo inuu dacadi sameeyay wax ka baxsan,”

Xeer ilaaliye ku-xigeen Xiis, ayaa waxay gaba-gabadii Maxkamadda ka codsatay in eedeysanaha lagu ciqaabo falalka foosha xun uu u geystay dhibanayaashani.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dacwadda eedeysanahan ka yeelatay ilaa saddex fadhi oo kala duwan, waxaana la horgeeyay dhibanayaasha marqaatiyaal ay ka mid yihiin ehelada dhibanayaasha, qaar ka mid ah kuwii dhibka loo geystay, iyadoo xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu ku soo bandhigay dacwadda cadeyn ku filan inta ay howsha dacwadda socotay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Garsoore Saalax Cali Mxamuud ayaa gaba-gabada dacwaddan oo qaadatay waqti dheer ayaa soo saaray xukun, saddex qodob oo ka mid ah waxaa lagu helay inuu geystay eedeysanaha dambiyadii lagu soo eedeeyay, waxaana eedeysanaha lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah.

” Xukun maxkamadda, maxkamadda gobolka Banasdir qeybteeda ciqaabta waxay eedeysane Abuukar Maxamed Xasan Shooble ku heshay qodobka 398, faqraddiisa labaad, waxayna ku xukuntay 7-sano oo xarig ah, maxakamaddu waxay eedeysanaha sare ku xusan qodobka 403, faqraddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaanna lagu xukumay labo sanno oo xarig ah, sidoo kale, maxkamaddu ku heshay eedeysanaha qosobka 496, farqaddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay hal sanno oo xarig ah, wadarta guud ee edeysanaha kagu xukumay waa 10-sanno oo xarig ah,”.