1 min read

Kuuriyada Woqooyi oo jabsatay xogta shirkadda Ruushka u samaysa gantaalada.

Koox caan ah oo Kuuriyada Waqooyi ka soo jeedda ayaa si qarsoodi ah u jabsatay shabakadaha kombuyuutarrada ee horumarinta gantaallada Ruushka muddo ugu yaraan shan bilood ah sannadkii hore,Sida laga soo xigtay caddaynta farsamada ee wakaaladda wararka ee Reuters iyo falanqayn ay sameeyeen cilmi-baarayaasha amniga.

wakaaladda wararka ee Reuters ayaa heshay kooxo basaasiinta internetka ah oo ku xidhan dawladda Waqooyiga Kuuriya, kuwaas oo cilmi-baarayaasha amnigu ay ugu yeeraan ScarCruft iyo Lazarus.

Waxay nidaam dijitaal ah oo xigta xada si qarsoodi ah ugu rakibeen shirkadda NPO Mashinostroyeniya, oo ah xafiiska naqshadeynta gantaallada Ruushka oo ku yaal Reutov, oo ah magaalo yar oo ku taal duleedka caasimadda Moscow.

BBC ma xaqiijin karto in wax xog ah la qaaday inta lagu guda jiray faragelinta ama in macluumaadka la daalacday.

Bilihii dhowrtii bilood ee jabsashada ka dambeeyay, Pyongyang ayaa ku dhawaaqday dhowr horumar oo ku saabsan barnaamijkeeda gantaalada ballistic-ga ee mamnuuca ah laakiin ma cadda in tani ay la xiriirto jabsashada. Khubarada ayaa sheegay in dhacdadani ay muujinayso sida dalka go’doonsan uu xitaa u beegsan doono xulafadiisa, sida Ruushka, si uu u helo tignoolajiyada muhiimka ah.