1 min read
Tababaraha Xulka Qaran Rachid Lousteque oo heshiis cusub u saxiixay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.
Muqdisho :- Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa Isniintii maanta ahayd labo sano oo dheeri ah ugu kordhiyay heshiiskiisa.
Rachid Lousteque macalinka xulka Qaranka kubada cagta ayaa u dhashay dalka Morocco, iyadoo heshiiska cusub ka dhigan yahay si uu u hogaamiyo tababarka xulka qaranka Soomaaliya sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Dhanka kale Rachid Lousteque ayaa saxiixay qandaraaska waxaana uu xulka sii joogi doonaa ilaa 2025.