1 min read

Dibadbaxayaal Eritrea u dhashay oo ku dagaalamay xaafadda Soomaalida Stockholm ee dalka Sweden.

Eritrean ka horjeeda dowladda oo dibadbaxayay ayaa xoog ku galay xaflad lagu taageerayay dowladda taas ka dhaceysay caasimadda Sweden ee Stockholm.

Waxaa jira warar sheegayaa in dhowr boqol oo qof ay xoog ku jireen xeyndaabkii booliska iyagoo burburiyay teendhadii xafladda ka socotay.

Goobta ay isaga horyimaadaan Eriterean-ka ayaa la sheegayaa inay tahay xaafad ay Soomaalidu ku badan tahay.

Booliska Sweden waxay sheegeen in qofna uusan ku dhaawacmin halkas.

Dadweynaha Eritrea ee ku nool Sweden si weyn u kala qeybsan. Kuwa waxay taageersan yihiin madaxweyne Isaias Afwerki halka kuwa kalena ay u arkaan kaligii teliye xaasid ah.

Bishii hore booliska Jarmalka ayaa budad iyo sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibadbaxayaal bartilmaameedsanayay xaflad dowladda lagu taageerayay oo ka dhaceysay bartamaha magaalada Gessen.

Lix iyo labaatan sarkaal oo boolis ah ayaa ku dhaawacay ku dhawaad 100 qof waa la xiray