1 min read

Somaliya, Horuumar la taaban karo =Faallo=

Qaranku waa sida Qof, Qofku waa inuu ku xisaabtamaa awoodiisa dhaqaale, inta uu heeysto, Ciida uu ku aaminaa, halka uu ku bixnaa dhaqaalahaa iyo sida ay ku kala muhimsanyihiin.

Gurigaagu haddii uu yahay “Baal makuuti” dhinacyada ka daloolo ma u baahan yahay “Air Conditioner” casri ah. Kharajka ku baxaa isticmaalka korontada ma ka go’aa dakhligaaga, Guriga Deriskaa ee aad ku dayanee isku xaalad ma tihiin. (F.S:1aad)

Su’aal

1.Qaranku halka uu kharajka ku bixiyo ma jirtaa Meela ka muhimsan in lagu bixiyo? 2. Mise iyada oo ay jirto Baahidii asaasiga aheyd ayaan ku bixinaa kharajka meel dhalanteed ah oo laga maarmi karo?
3. Taa maloo qaadan karaa Horuumar la gaaray?
4. Cariishka dayacan inta aadan ku xirin “Air conditioner” Hawa qaboojiye, ma jiraan wax ka muhimsan ee Guriga looga baahan yahay?
5. Somalidu, maxeey u taqaan Horuumar la taaban karo?

Qore:Yahya Amir