1 min read

Doon aan cidna wadin oo soo weerartay maraakibta Ruushka.

Ruushka ayaa sheegay in ay burburiyeen saddex doonyood oo ah kuwa aan cidina wadin oo laga leeyahay dalka Ukraine, kuwaas oo doonayay in ay weerar ku qaadaan laba markab oo ay leeyihiin ciidamada badda Ruushka oo marayay badda madow.

Wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in werarkan uu dhacday saacadihii hore, uuna ka dhacay meel saddex boqol iyo afartan kilomitir koonfur-galbeed ka xigta Sevastopol ee Crimea.

Waxa ay sidoo kale hadda sheegeysaa in ciidamadeeda badda ay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine kuwaas oo bartilmaameedsanayay maraakiib ganacsi oo Ruushku leeyahay oo ku sii jeeday marinka Bosphorus.

Shaqaalaha wasaaradda horumarinta dhaqaalaha ee Ruushka ayaa hadda loo sheegay in ay ka soo shaqeeyaan guryahooda,kadib markii diyaarad aan duuliye lahayn ay ku dhufatay dabaqa sare ee ay wasaaradda ku leedahay xaafadda ganacsiga ee magaalada Moscow. Isla dabaqan ayaa laba habeen ka hor lala beegsaday weerar diyaaradeed.

Duqa magaalada Moscow ayaa sheegay in nidaamyada difaacyada cirka ay xalay soo rideen dhowr diyaaradood oo kale oo aan duuliye lahayn.