August 1, 2023
Duqeyn lagu dilay maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo galabta ka dhacday Deg. Ruun-nirgood
Ruun-nirgood :- Duqayn lagu burburiyay fariisin ay lahaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay duleedka degmada Ruun-nirgood ee Gobolka Sh/Dhexe. Gaadiid dagaal iyo Saanad Ciidan ayaa lagu burburiyey howlgalkaas oo ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay galabta fuliyeen. Deegaanka lagu magacaabo Sigato oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Gobalka Shabeellada Dhexe. Duqeyn ay […]
Doon aan cidna wadin oo soo weerartay maraakibta Ruushka.
Ruushka ayaa sheegay in ay burburiyeen saddex doonyood oo ah kuwa aan cidina wadin oo laga leeyahay dalka Ukraine, kuwaas oo doonayay in ay weerar ku qaadaan laba markab oo ay leeyihiin ciidamada badda Ruushka oo marayay badda madow. Wasaaradda difaaca ayaa sheegtay in werarkan uu dhacday saacadihii hore, uuna ka dhacay meel saddex boqol […]
Ciidanka xoogga dalka oo maleeshiyada Khawaarijta ka saaray deegaano ka tirsan Sh/hoose.
Baraawe : Hawlgal qorshaysan oo ay saaka sameeyeen ciidan ka tirsan guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayey maleeshiyaadka Khawaarijta kaga saareen deegaanada Rasdaay, Feytaan, Sadex-aqal iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Baraawe. Deegaanadaas ayey maleeshiyadu qaarkood si dhuumaalaysi ah ku imaan jireen, halka kuwa kalena ay u ahaayeen fariisimo ay […]
Taliska Booliska oo dhisaya dhaqanka diineed ee Askarta.
Muqdisho :- Taliye ku xiggeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Sakiya Xuseen iyo hoggaanka Anshaxa iyo wacyi-gelinta Booliska ayaa maanta Kutubo Qur’aan ah ku wareejiyey ciidanka Birmadka Booliska iyo sidoo kale Ciidanka Daraawiishta, waxaana goob joog ahaa taliyaha ciidanka Birmadka Booliska Kornel Suleymaan Maxamed Axmed Dulmi-diid. Saraakiisha ayaa ciidanka u soo jeediyey inay xoogga saaraan aqrinta […]
Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka oo qaabilay wafdi sare oo ka socda Save the childeren.
Muqdisho : Guddoomiyaha hay’adda Qaran ee maareynta musiiboyinka mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday hay’adda Save the children, kaas oo uu hogaaminaayey Cabdiladiif Maxamed oo ah ku xigeenka agaasimaha hawlgalada ee hay’adda Save the children, waxaana kulanka ku wehlisay Francesca Sangiorgi agaasimaha […]
RW Xamse oo kormeeray xerada tababarada ciidanka ee TurkySom.
Muqdisho :- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo kormeerey Kuliyadda Ciidanka ee Turki-Som, ayaa la dardaarmay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada Gorgor oo uu halkaas tababar uga soconayey. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kuliyadda Turki-Som ay soo saartay Saraakiil iyo Ciidan dalka ka sameeyey isbeddel […]
Maamulka Gobolka Banaadir oo shaaciyey natiijada imtixaanka fasalka 8aad ee sannad dugsiyeedka 2022/2023
Muqdisho: -; Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qayb galay shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023 oo sanadkan ay u fadhiisatay 31,372-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir. Agaasimaha guud ee waxbarashada Gobolka Banaadir Dr. […]
Qaabkii Janaraal Caydiid uga baxsaday ciidamada Mareykanka
Waa mid ka mid ah dhacdooyinka taariikhda dunida galay. Soddon sano kahor, waxaa waddooyinka magaalada Muqdishu dagaal qaraar uu ku dhexmaray ciidamada mareykanka iyo dad hubeysan oo taabacsan Janaraal Maxamed Faarax Caydiid. Ciidamada Mareykanka waxay fulinayeen howlgalka ay ku doonayeen inay kusoo qabtaan Janaraal Caydiid oo ay u arkayeen in uu caqabad ku yahay howlgalka […]
Ruushka oo sheegay in ay jirto khatar amni kadib weerar lagu qaaday Moscow
Aqalka Kremlin-ka ayaa sheegay in ay iska caddahay in khatar ay jirto kadib weerarkii ugu dambeeyay ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee lagu qaaday magaalada Moscow, marki labaad saddex maalmo gudahood. Duqeynta ayaa lagu garaacay dhismo ku yaalla xaafadda ganacsiga ee magaalada Moscow. Shaqaalaha wasaaradda horumarinta Ruushka, oo ka shaqaynayay daarta dheer ee la weeraray, […]
Xuska maalinta Naas-nuujinta Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho.
Muqdisho :-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadam ayaa furay munaasabadda xuska todobaadka Naas-nuujinta Adduunka oo maanta oo kale laga xuso Caalamka. Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Drs; Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada arrimaha bulshada XFS Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka […]