1 min read

Duqeyn lagu dilay maleeshiyaad Al-Shabaab ah oo galabta ka dhacday Deg. Ruun-nirgood

Ruun-nirgood :- Duqaynย lagu burburiyay fariisin ay lahaayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay duleedka degmada Ruun-nirgood ee Gobolka Sh/Dhexe.

Gaadiid dagaal iyo Saanad Ciidan ayaa lagu burburiyey howlgalkaas oo ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ay galabta fuliyeen.

Deegaanka lagu magacaabo Sigato oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee Gobalka Shabeellada Dhexe.

Duqeyn ay geysteen diyaarado dagaal ayaa galabta fuliyey howlgalkaan, iyagoo beegsaday goob ay isku uruursaneysay kooxda Al-Shabaab.

โ€œHowlgalkaan ayaa khasaaro xoog leh waxaa lagu gaarsiiyay danbiilayaasha Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay,โ€ ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey warbaahinta dowladda inkastoo aan lagu shaacin tirada dagaalyahanada lagu dilay howlgalka.

Degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe iyo deegaano badan oo hoos taga waxaa weli jooga ama yimaada dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda oo weerarro culus kala kulmay Al-Shabaab markii ay qabsadeen Ruun-nirgood waxay sii joogi waayeen deegaankaas, iyagoo isaga soo baxay.

Maalmihii ugu dambeeyey duqeymaha ka dhacaya aagga Ruun-nirgood ayaa aad u badnaa, waxaana Jimcihii ugu yaraan 100 Shabaab ah lagu dilay aagga deegaanka Daarunicma oo degmadaas hoos taga, sidoo kale duqeyntaas waxaa Shabaab looga gubay ku dhawaad 10 gaari.