1 min read

Ciidanka xoogga dalka oo maleeshiyada Khawaarijta ka saaray deegaano ka tirsan Sh/hoose.

Baraawe : Hawlgal qorshaysan oo ay saaka sameeyeen ciidan ka tirsan guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayey maleeshiyaadka Khawaarijta kaga saareen deegaanada Rasdaay, Feytaan, Sadex-aqal iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Baraawe.

Deegaanadaas ayey maleeshiyadu qaarkood si dhuumaalaysi ah ku imaan jireen, halka kuwa kalena ay u ahaayeen fariisimo ay shacabka ku baadaan, kana soo abaabulaan weerada dhagarta ah.

Xidigle Daahir Axmed Cali taliye horinka 1-aad, ururka 25-aad, guutada 6-aad ee qaybta 60-aad ee xoogga dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in hawlgalkan ay saaka qaadeen uu u dhacay sidii loo qorsheeyey ayna sii wadayaan baacsiga maleeshiyada Khawaarijta ah ee Khawaarijta.

“Ma tabar badna balse inay dadka ku dhibaan ayey meelahaas u yimaadaan, qorshaheenu wuxuu yahay in meel kasta oo nimankaas [Khawaarijta] lagu sheego inaan tagno, shaqadeenuna waa intaas ” ayuu yiri xidigle Daahir.

Hawlgalkan ayaa qayb ka ah qorshaha guud ee ciidamada Qaranku dalka kaga nadiifinayaan maleeshiyada argagixisada ah ee Khawaarijta, kaas oo ka socda gobolada ay kooxdu wali dalka uga harsantahay.