1 min read

Maalinta ka hortagga Cagaarshowga oo laga xusay Dunida.

Dowladaha caalamka iyo shucuubta kale eek u hoos nool ayaa maanta u istaagay dabbaaldegga xuska 28-ka Julay ee maalinta caalamiga ah ee la dagaallanka Cudurka Cagaashowga.

Xuska Maalinta Cagaarshowga dunida, oo la qabto sannad kasta, ayaa ujeedkeedu yahay in kor loo qaado wacyiga bulshada ee dhinaca ka hortagga cudurka cagaarshowga.

Cudurkaan waxa uu kamid yahay cudurada faafa ee dilaaga ah,waxaana keena feyras qatar ah oo saameeya unugyada beerka,iyadoo nuucyada cagaarshowga lagu tilmaamo kuwo u kala baxa sidatan A, B, C, D, iyo E.

Prof Cismaan Maxamuud Dufle oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa farriimo digniin ah la wadaagay Bulshada Soomaaliyeed,wuxuuna ku taliyay in lagu dadaallo nadaafadda deegaanka.

Dhinaca kale,Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabtay Xuska Maalinta caalamiga ah ee ka hortagga iyo la dagaalanka Cagaarshowga