1 min read

Madaxda Sacuudiga oo qoraal la xiriiray gubidda Qur’aanka u diray Denmark.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa   Diblomaasi Danmark ah u dhiibay qoraal lagu dalbanayo in la jooojiyo falalka foosha xun ee ka hor imaanaya caqiidada diinta Islaamka, sharciyada iyo xeerarka caalamiga ah ee dunida.

Boqortooyada oo u yeertay dibolomaasigaasi ayaa kala hadashay arrimo ku saabsan kutubka Qur’aanka ee dhawaan lagu gubay magaalada Copenhagen ee Denmark.

Hadal ay manta soo saareen wasiiradda Arrimaha Dibadda ee Dalalka Khaliijka ayaa lagu  sheegtay mowqifka dalalkaasi ay ka taagan yihiin xadgudubka lagu sameeyay Qir’aanka iyo sida ay lagama maarmaanka y tahay in dalalka Iskaandaneefiyanka ay u howlgalaan wax ka qabashada naceybka diimaha,gaar ahaan Islaamka.

Cabashada boqortooyada ayaa timid ka dib markii dadka u ololeeya midigta fog ee Denmark ay todobaadkii la soo dhaafay bannaanka safaaradaha Ciraaq, Masar iyo Turkiga ay ku gubeen kitaabka barakeysan ee Islamka .

Isniintii, laba xubnood oo ka tirsan xisbiga Patriots Danish ultra-nationalist ayaa ku tuntay nuqul ka mid ah qur’aanka kariimka ah .

Sacuudi Carabiya ayaa todobaadkii hore DowladdaSweden kala hadashay arrimmo ku saabsaanaa joojinta gubidda kitaabka Qur’aanka.