1 min read

Safiirka Soomaaliya ee Ethiopia oo Safaaradda Kusoo dhoweeyey dhigiisa Czech Republic.

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa safaaradda Addis Ababa kusoo dhoweeyey Safiirka Dawladda Czech Republic ee Ethiopia Ambassador Miroslav Kosek.

Kulankaasi waxaa ka hadlay danjire Warfaa,oo sheegay in qorshayaasha u degsan maamulka safaaradda  uu yahay in kor loo qaado iskaashiga caalamiga ah ee  Jamhuuriyadda Soomaaliya ay la leedahay dunida inteeda kale.

Ambassador Miroslav oo ka hadlay kulankaasi labada dhinac ah ayaa ballanqaaday in Dawladda Czech Republic ay garab istaag buuxa u muujinayso Jamhuuriyadda Soomaaliya,ayna kala shaqayn doonto arrimaha saldhiga u ah dowlad wanaaga.