July 22, 2023
Gabadh loo haysto in ay aflagaadeysay Nabi Maxamed NNKH oo culimadu ay dalbadeen in la dilo.
Ardayad dhigata dugsiga sare ee Mauritania ayaa loo xiray in ay qortay warqad loo arkay in ay aflagaadeysay Nebi Muxamed NNKH imtixaankii jaamacadeed ee bishii hore. Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta diintu ay dalbadeen in dil lagu xukumo haddii gabadhan yar oo aan magaceeda la sheegin lagu helo dambiga aflagaado ah oo ay maxkamadda […]
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo tababbar u furay xubno ka tirsan Senatorada aqalka Sare
Muqdisho :-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta furay aqoon iswaydaarsi ku saabsanaa hannaanka sharci samaynta ee sharci dejiyaasha Golaha Aqalka Sare oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Haweenka Aqalka Sare. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa guddiga Haweenka Aqalka Sare ku booriyay qaban-qaabada kulankan oo kor u qaadaysa aqoon-dhiska Sanatarrada […]
Sheekh Shariif oo xabad-joojin ugu baaqay Beelaha ku dagaalamaya aaga Cadale.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa ka hadlay dagaal beeleedyada khasaaraha dhaliyey ee maalmihii lasoo dhaafay ka dhacaayay deegaano hoostaga degmooyinka Raaga-ceelle iyo Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Sheekh Shariif oo ku sugan deegaanka Xaaji Cali ayaa beelaha dagaalamay ugu baaqay inay marka hore sameeyaan xabad joojin, isla markaana dhinacyada ay kala […]
Tahriibeyaal ku dhintay doon ku degtay xeebaha Morocco.
Ugu yaraan lix qof oo tahriibayaal ah ayaa dhintay kadib markii doonidii ay la socdeen ay kula degtay xeebaha dalka Marooko, sida ay qortay wakaaladda wararka ee MAP. Waxa ay intaas ku dartay in doonidan ay ku dhacday jamal, lix qofna ay ku qaraqmeen. 48 kale ayaa ka badbaaday shilka doontan. Dowladda Morocco ayaa bilaabay […]
Wasiirka Awqaafta XFS oo sheegay in Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka dib looga soo celiyey lacagihii.
Makka :-Wasiirka Awqaafta XFS oo sheegay in Shirkadihii fulin waayay Adeega Xajka dib looga soo celiyey lacagihii. Wasiirka Wasaaradda Awqaafta Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow oo xalay ka hadlay munaasabadda soo xiritaanka Moosinka Xajka oo lagu qabtay magaalada Makka ee dalka Sucuudiga,wasiirka ayaa ku dhawaaqay in dib looga soo celiyey lacagihii ay qaateen […]