1 min read

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo tababbar u furay xubno ka tirsan Senatorada aqalka Sare

Muqdisho :-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta furay aqoon iswaydaarsi ku saabsanaa hannaanka sharci samaynta ee sharci dejiyaasha Golaha Aqalka Sare oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Haweenka Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa guddiga Haweenka Aqalka Sare ku booriyay qaban-qaabada kulankan oo kor u qaadaysa aqoon-dhiska Sanatarrada Aqalka Sare iyo abuurista shuruuc dan u ah dalka.