1 min read

Gabadh loo haysto in ay aflagaadeysay Nabi Maxamed NNKH oo culimadu ay dalbadeen in la dilo.

Ardayad dhigata dugsiga sare ee Mauritania ayaa loo xiray in ay qortay warqad loo arkay in ay aflagaadeysay Nebi Muxamed NNKH imtixaankii jaamacadeed ee bishii hore.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta diintu ay dalbadeen in dil lagu xukumo haddii gabadhan yar oo aan magaceeda la sheegin lagu helo dambiga aflagaado ah oo ay maxkamadda isla markaanna lagu caddeeyo.

Mauritania waxa ay xoojisay sharciyada cayda ee diinta iyo Nabiga NNKH, iyaga oo dhigaya ciqaabta dilka ah ee Muslimiinta “ku jeesjeeska ama aflagaadeeynta Alle ama Nabiga NNKH, ayaa haddii ay toobad keenaan”. Waxa ay noqon kartaa in laga qafiifiyo ciqaabta ama aan la dilin.

Warbaahinta Pan-Arab ee al-Qudus al-Caraby ayaa sheegtay Arbacadii in ardaydu ay ka soo jeeddo magaalada Atar ee waqooyi-galbeed.