1 min read

Dalalka Islaamka oo si weyn uga carooday kitaabka Qur’aanka oo markii labaad lagu gubay dal Yurub ka mid ah.

Kadib markii koox ka soo horjeeda Muslimiinta ay kitaabka Qur’aanka kariimka ah Jimcihii shalay ku gubeen magaalada Copenhagen ee caasimadda dalka Denmark ayaa waxaa soo baxaya in muslimiintu ay aad uga caroodeen dhacdadala midka ah tii ka dhacday Sweden, waxayna ugu baaqeen in maamulku ka hortagaan falalka nacaybka ku dhisan ee soo noqnoqda.

Kooxda xagjirka ah ee loo yaqaan “Danske Patrioter” ayaa kitaabka barakeysan ku gubay afaafka hore ee safaarada Ciraaq ee Copenhagen.

Dunida Islaamka ayaa si weyn uga soo horjeestay iyagoo jeediyay cambaareyn iyo caro, waxana ka mid ah Turkiga, Urdun, Falastiin, Sacuudiga, Marooko, Ciraaq, Iiraan, Pakistan, Senegal, Marooko, iyo Mauritania, kuwaas oo ka careysan in Qur’aanka la gubay.

Iyadoo kumannaan kun ay dibadbaxyo ka dhigeen Pakistan iyo Ciraaq, Marooko ayaa dib u yeertay ergaygeeda u fadhiya Sweden.

Jawaabta, Iran waxay dib u dhigtay magacaabista safiirka cusub ee Sweden.

Sweden ayaa cadaadis ba’an kala kullantay dalalka Muslimka ah ee ku aadan ansixinta ku xadgudubka qur’aanka kariimka ah.

Maalintii Khamiista ayuu ra’iisul wasaaraha Ciraaq amar ku bixiyay in safiirka Sweden laga eryo Ciraaq, isla markaana mas’uulka Ciraaq laga saaro Sweden.