1 min read

Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la dhaqangaliyo qaraarka ku saabsan ka-hortagga nacaybka Diimaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa shalay muujiyay taageerada uu la garab taagan yahay bulshada Muslimiinta caalamka,kadib kulankisa Kooxda Safiirada ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay  waxa uu muujiyay in si buuxda loo dhaqangaliyo Qaraarka Golaha Xuquuqda Aadanaha ee ka-hortagga nacaybka diimeed ,kaas oo uu tilmaamay in uu horseedayo  kicinta takoorka, cadaawadda ama rabshadaha.

Qaraarka ku baaqaya in la cambaareeyo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo Qur’aanka kariimka ah, laguna tilmaamay inay yihiin filal nacayb diineed ah ayaa waxaa u codeeyay 47 xubnood oo golaha ka tirsan.

Afhayeenka xafiiska xoghayaha Stephane Dujarric ayaa bayaan ku sheegay in Guterres uu cambaareeyay falalka dulqaad la’aanta ah  ee abuuraya Islaam nacaybka,

Hadaladaan ayaa yimid kadib markii Salwaan Momika uu bishii hore Masjidka Stockholm ee dalka Sweden ku gubay kitaabka Quraanka ,kaasi oo ay si weyn u cambaareeyeen dalalka Muslimka ah.