1 min read

Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka oo geeriyooday.

Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ka tirsanaa Golaha Shacabka baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Geerida xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo qoraal tacsi ah soo dhigay bogga golaha shacabka ee facebook.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaan Jubba uu dhowaanahan ku xanuunsanaa caasimadda Kenya.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cabdiraxman Maxamed Cumar (Jubba) oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.