1 min read

Ciidamada Xoogga oo deegaanka Jameeco ee gobolka Bay ku dilay 15 ka mid ah Al-Shabaab.

Muqdisho :-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku burburiyay jidgooyo iyo xarun Khawaarijtu ku la hayd deegaanka Jameeco ee gobalka Baay, halkaas oo ah goob ay doonayeen in ay ku cuna qabateeyaan Shacabka ku nool Gobalkaas.

Hawlgalkaan oo dhacay maqribnimadii caawa ayaa lagu dilay maleeshiyaad gaaraya 15 khawaarij ah kuwaas oo ay ku jiraan saddex Horjooge.

Waxaa gabi ahaan la burburiyay jidgooyadii Khawaarijta waxaana goobta laga fasaxay gaadiidkii dadwaynaha ee ay halkaas ku xanibeen.

Waana hawlgalkii labaad oo muddo 24 saac ah ka dhaca wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo gaar ahaan inta u dhaxaysa Leego iyo Buurhakaba halkaas oo Khawaarijtu ay isku dayaysay in ay xanibaan gaadiidka dadwaynaha si ay u dhibaateeeyaan Shacabka.

Ciidanka Xoogga oo ka jawaabaya isku dayga Khawaarijta ayaa bilaabay hawlgallo lagu beegsanayo jidgooyooyinka xaaraanta ah ee Khawaarijta ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.