1 min read

Ruushka: “Maraakiibta ku socda Ukraine waxaan u aragnaa kuwo qayb ka ah dagaalka”

Ruushka ayaa ka digay in maraakiibta ku safraya dekedaha Badda Madow ee Ukraine,isla markaana oonaya in ay qaadaan badeecadaha raashinka  loo tixgelin doono bartilmaameedyo militari iyo kuwo qeyb ka ah dagaalada ka socda dalkaasi.

Hadaladaan ayaa yimid kadib markii madaxweynaha  Kyiv uu sheegay in uu sameyn  doono marin ku meel gaar ah oo maraakiibta ay kusii wadaan karaan dhoofinta badarka ,xilli Moscow ay ka baxday heshiiskii u fasaxayey  bixinta shixnadaha cuntada ee dekedaha Ukraine.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay Arbacadii in ay u arki doonto dhammaan maraakiibta u safraya Ukraine in ay suurtagal tahay in ay wadaan shixnad milatari oo ku socda Kyiv .

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in ay hirgelin doonto mawqifkeeda cusub ee ku aaddan kahortagga maraakiibta ku sugan badda madow,hasa yeeshee lama sheegin tallaabada ay ka qaadi doonaan maraakiibta u socdaaleysa Ukraine.