1 min read

Saraakiil ku Eedaysan Musuq maasuq oo maanta la horgeeyay maxkamada gobolka Banaadir.

Muqdisho, :-Maxkamada gobolka Banaadir ayaa maanta dhageysaneysa dacwada loo haysto  Afar sargaal  oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo ku Eedaysan Musuq maasuq Xatooyo.

Afartaan Eedaysane ee la horeyay Maxkamada gobolka ayaa lagu kala magacaaba,Cabdulaahi Maxamuud Osoble, Cumar Macalim Nuur, Saabir Xasan Cabdinuur, Aadan Maxamed Cabdi Oo dhamaan loo haysto xatooyo xoollo dadweyne oo lagu soo Eedeyay  Saraakiisha intii ay ka mid ahayen howlwadeenadda hay’adda  socdaalka iyo Jinisayada  Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u  sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in la musuq maasuqo hantida ummadda ee ay dowladda mas’uulka ka tahay.

Wixii faahfaahin ah oo ku soo kordhah warka dhageysiga Maxkamadda gobolka Banaadir halkaan kala soco goor dhow.