1 min read

Gobolka Gambella ee dalka Itoobiya oo bandow lagu soo rogay.

Maamulka gobolka Gambella ee galbeedka dalka Itoobiya ayaa soo rogay bandow habeenkii ah kadib markii dad badan lagu dilay rabshado hor leh.

Bandowga ayaa mamnuucaya dhaqdhaqaaqa inta u dhaxaysa toddobada habeenimo ilaa lixda subaxnimo.

Dowlad goboleedku ma aysan shaacin tirada khasaaraha balse waxa ay wacad ku mareen in ay la xisaabtami doonaan “mas’uuliyiinta la sheegay in ay ku lug leeyihiin falalkaan.

Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha, rabshadaha ayaa billowday horraantii toddobaadkan waxayna ka dhaceen dhowr aag. Ilo-wareedyo ku sugan xarunta gobolka ee Gambella, ayaa sheegay in ganacsigii xirmay.

Gobolkan oo xuduud la leh Koonfurta Suudaan ayaa waxaa bilihii lasoo dhaafay ka dhacayay rabshado soo noqnoqday.

Bishii May, ugu yaraan toddobo qof ayaa la sheegay in la dilay in ka badan tobanna waa lagu dhaawacay dagaal ka dhacay magaalada Gambella. Sanadkii la soo dhaafay waxaa magaalada weerar ku qaaday dagaalyahano ka tirsan mucaaradka gobolka Oromiya iyadoo tobaneeyo lagu dilay.