1 min read

Ciidamo cusub oo ka qeyb qaadanaya xoojinta amniga Caasimadda oo la soo bandhigay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin ayaa booqday xarunta Gaadiidka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo Dugsiga Tababarka Ciidanka Boliiska ee General Kaahiye.

Xerooyinkan ayaa waxaa ku diyaarsan cutubyo cusub oo dhawaan kusoo biiraya Ciidanka Boliiska iyo Ciidanka ilaalinta Deegaanka ee Dowladda Hoose Xamar, kuwaas oo ka howlgeli doona Magaalada Muqdisho.

Ciidankan cusub oo ah dhallinyaro ay da’dooda ka hooseyso 30-sano ayaa ah kuwa wax bartay oo kasoo aflaxay Dugsiga sare iyo Jaamacadaha, waxaana dhawaan la filayaa in ay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Boliiska iyo kuwa Ilaalinta  Deegaanka ee Dowladda Hoose si ay qeyb uga noqdaan sugidda Amniga iyo bilicda Caasimadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin ayaa kula dardaarmay Ciidamadan inay si wanaagsan ugu Shaqeeyaan Shacabka Gobolka Banaadir.