1 min read

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee Guddiga Joogtada ah.

Muqdisho :- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee Guddiga Joogtada oo looga hadlaayay ajandeynta hindise sharciyeedyadda iyo heshiisyadda horyaala Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS oo uu goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad iyo dhammaan xubnaha guddiga ayaa waxaa uu guddiga cod aqlabiyad ah ku ansixiyay ajendeynta hindise sharciyeedyaddii iyo heshiiskii la horkeenay.