1 min read

Hooyo, maxaad Beenta iigu sheegtay?

1. Waan xasuustaa, Markii aad leheyd Baahiyo ima heeyso, Adiga oo Baahan, si Cuntada oo yareed aad Aniga Afka iigu galiso.

2. Waan Xasuustaa, Adiga oo Qoraxda ku yimid in aad leheyd ma oomani, si Sharaabka qaboow aad Aniga ii siisid.

3. Waan Xasuustaa, markii Adiga oo u baahan dhar, Aniga aad ii soo iibi jirtay Dharkii Ciidda. Adiguna aad ku Ciidi jirtay Dharkaagii hore.

4. Waan Xasuustaa, Aniga oo weyn, Markii aan Guriga ka soo daaho, in aad soo jeedi jiratay si aad u hubsato in aan sama imid oo aad i dhihi jirtay Caawa Hurdadaa iga tagtay, Adiga oo Hirdhifaayo.

5.waan xasuuataa, Markii aad diidi jirtay Shaqo ama Howl aad ku horuumaree oo wakhti badan kaa qaadee, si aad Aniga iila joogto wakhti badan.

6. Waan xasuustaa, Adiga oo xanuunsan markaad dhihi jirtay ma xanuunsani, si Lacagtii aad Daawada ku gada leheyd aad Aniga iiga bixiso kharajka Dugsiga quraanka iyo Buugaagta isgoolka.

7. Waan xasuustaa, markaan khaladka galaay, Aabe oo i canaano rabo, in aad tiri: Anigaa khaladka galay.

8. Waan xasuustaa, Aniga oo aan xanuunsaneyn in aad ka walwali jirtay, kuna dhafri jirtay, Amuu isga oo yar kaa xanuunsadaa oo aad Noloshiisa weeydaa.

9. waan xasuuataa, Adiga oo daalan markaad Dusha i saari jirtay, oo aad i buudbuuti jirtay, si Daalkaaga aad ugu bedesho Farxadeeyda.

Waan xasuustaa, waan xasuustaa,waan xasuustaa, Been badan oo aad ii sheegtay. Haddana wan ogahay in aynan Been aheyn.
Hadda waan weeynaaday, waxaa i saaran waajib ah in aan Anna kuu sheego Been aan Been aheyn iyo Run Run ah.
Haddii aad Nooshahay iyo Haddii aad Geeriyootayba xasuustaada waa in aan raaciyo Ficil wanaagsan oo aan isku dayayo in aan kuugu Abaal gudo. ( F.S :1-13aad)

Qore: Yahya Amir