1 min read

Biden oo hore dhawr-jeer u diiday marti-qaadka Netanyahu ayaa haatan aqbalay.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa Isniintii marti-qad rasmi ah u diray ra’iisal wasaaraha dalka Israaiil Benjamin Netanyahu, si uu booqasho ugu yimaaddo dalka Maraykanka, iyada oo dib laga go’aamin doono xilliga booqashada, sida laga soo xigtay xafiiska ra’iisal wasaaraha Israa’iil.

Marti-qaadkan ayaa loo fidiyey ra’iisal wasaaraha intii uu socday wada-sheekayshi dhinaca telefoonka ah oo dhexmaray labada hoggaamiye, maalin ka hor booqashoo uu madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ku tegayo Washington.

Netanyahu ayaa xilka ku soo laabtay lix bilood ka hor, hase ahaatee Biden ayaa marar kala duwan ku gacan-saydhay inuu marti-qaad u fidiyo ra’iisal wasaaraha Israa’iil.

Arrimaha ay isku maandhaafeen Maraykanka iyo xukuumadda garabka midig ee Israa’iil ayaa khuseeya, qulqulatooyinka ka jira daanta galbeed, iyo weliba tallaabooyinka ay qaaday xukuumadda Israa’eel ee ku aaddan deegaamaynta iyo hadalada xanafta leh ee ka soo yeedhay xubno ka mida golaha wasiirada ee Netanyahu.

Masuuliyiin Maraykanka ah oo uu ku jiro xoghayaha difaaca Lloyd Austin ayaa dhaleeceeyey.

Netanyahu iyo Biden ayaa la filayaa inay soo saaraan bayaan wada-jir ah oo ku saabsan arrimaha ay kaga wada hadleen isgaadhsiinta telefoonka.

Reuters