1 min read

Sanad Cusub: Berri waxaa bilaabanayo Sanadka cusub ee Somalida.

Berri waxaa bilaabanayo Sanadka cusub ee Somalida “Somali Solar Clendar” Dabshid, Istun, Saneysi, Badgal iyo Nayruus. Badanaa waxa ay ku beegantahay dabayaaqada Bisha July.

Berri waa Talaado. Aniguna waxaan dhaldhay Sanad Talaadaado ah, Dayrtii Balalaqda ee ka dambeeysay Gugii koomba Shillin.

Istunka Afgoi waxaa la bilaabay Casriyadii dhexe ee Boqortooyadii Ajuuraan, kadibna waxaa sharciyeeyay Suldaankii Galadiga, Suldaan Axmed yusuf Qarnigii 19aad.

Saneeysiga waxaa aad looga yaqaan Sh/dhexe. Xamar weyne iyo Shabgaani ayaa si fiican looga yaqaan Dabshidka & Bad galka oo soo jiray 800 Sano. Nayruus waxaa laga yaqaan Gobalada waqooyi- Magacana waxaa laga soo Qaatay Dalka Iraan. Deegaanna badan oo Somaliya ahna siyaabo kala duwan ayaa looga xusaa.

Waxaa ka mid ah Caadada Dabshidka in Dab la shido oo Qof waliba uu ka boodo Dabka tiro la eg inta sano ee uu jiro.

Adigu meeqa jeer ayaad ka boodidoontaa Dabka?.

Qore:Yahya Amir