1 min read

Dowladda Soomaaliya oo cadaysay in ay soo iibsatay Diyaaradaha dagaalka iyo hub culus

Muqdisho :- La taliyaha amniga Qaranka , Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic.

La taliyaha oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadkii hore markii ay QM cusbooneysiisay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya la qafiifiyay shuruudaha, wuxuuna xusay in loo oggolaaday in ay DF soo iibsan karto hubka qaarkiisa taasina ay ka faa’iideysatay dowladda si khawaarijta ciririb tiro.

“Hub waaweyn oo aan horay nolagu oggolayn ayaan sanadkii lasoo dhaafay soo gadannay, hadday ahaan lahayd Helocoptarro, Zuugagga iyo Artelleriyada qaarkood ayaan farsamooyinka naloo oggol yahay kusoo gashannay dalka”.

Mudane, Xuseen Macallin ayaa intaa raaciayay in ay dowladdu ku howlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada qeybaha kala duwan ee Ciidanka XD, si ay Soomaaliya ugu filnaato ilaalinta xudduudaheeda badda iyo berrigaba.