1 min read

Qaramada Midoobay oo war hor leh ka soo saartay AIDS-ka.

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in marka la gaaro sanadka 2030-ka dunida laga ciribtiri doono AIDS-ka. Warbixinta ayaa sidookale lagu xusay in si hadafkan loo gaaro ay ku xiran tahay barnaamijyada lagula dagaallamayo cudurka oo si buuxda loo maalgeliyo.

Dalalka Saxaraha ka hooseeya, oo 65% dadka qaba fayraska difaaca jidhka bini’aadamka (HIV) ee sababi kara AIDS-ka ay ku nool yihiin, ayaa horumar weyn ka samaynaya ciribtirka cudurka.

Dalalkaas ayaa waxaa kamid ah; Botswana, Eswatini, Rwanda, Tanzania iyo Zimbabwe oo durba gaaray bartilmaameedka “95-95-95”, sida ay sheegtay UNAIDS, oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan la dagaalanka cudurka.

Tani ayay macnaheedu tahay in 95% dadka la nool HIV ay ogyihiin xaaladooda HIV, 95% dadka garanaya xaaladooda waxay helayaan daawaynta kaalmaatig ah ee antiretroviral, iyo 95% dadka qaatay daawooyinka waxay xakameeyeen fayraska, taas oo ka dhigaysa mid aan suurtagal ahayn in la isu gudbiyo.